U bood dhigaalka

Maamulka iyo shacabka gobolka Banaadir oo iska kaashanaya dhismaha xarunta Fiisha Gufeerno

Sheeko:Dalka

Xubno ka mid ah maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada Muqdisho ayaa iska kaashanaya dib u dhiska xaruntii hore ee maamulka gobolka Banaadir.

Degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir ayaa geysay maanta ilaa 150 kiish (loor) oo shamiinto ah oo lagu tabarucayo dhismaha xaruntaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada ee maamulka Gobolka bananaadir Iimaan Nuur IIkar oo hadlay ayaa soo dhoweeyay dadaalada maamulka iyo shacabka isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

Qaar ka tirsan ganacsatada Muqdisho iyo hay’ado gaar ah ayaa hore deeqo isugu jira shidaal iyo agab dhisme ugu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir si ay gacan uga geystaan dhismaha Fiisha Gufeerno.