U bood dhigaalka

Maamulka jaamacadda SIU oo ka hadlay meydad ay ka soo qaadanayaan Kenya

Sheeko:War

prof yaxye SIU

Maamulka jaamacadda caalamiga ah ee Soomaaliya (SIU) oo dhawaan hishiis meydad lagu siinayo la gashay jaamacad ku taalla dalka kenya ayaa sheegay in culimaa’udiinka ay kala tashadeen meydad looga soo dhoofino dalka Kenya si ardayda jaamacadaasi ay ugu tababartaan qaliimada kala duwan.

Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo ah guddoomiyaha jaamacadaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in arrintan ay ku timaaday heshiis ay la galeen jaamacadda Kenyata ee magaalada Nairobi, taasi oo uu sheegay in xiriir dhinaca waxbarashada ah uu kala dhaxeeyo isaga oo tilmaamay in culumaa’udiinka Soomaaliyeed ay kala tashadeen arrtintaasi.

Shan meyd ayaa lagu wadaa in loo soo dhoofiyo Jaamacadda caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali international University). Heshiiskaas waxa uu qaatay muddo ka badan sanad.

Wararka Goobjoog news