U bood dhigaalka

Maamulka Jowhar Oo Dalbaday Marti Gelinta Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa dalbaday in degmadaasi lagu qabto shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiqaadir Cabdulla Maxamed oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in iyaga ay diyaar u yihiin marti gelinta shirkaasi, islamarkaana wax walba oo looga baahan yahay ay haystaan.

Waxa uu sheegay in dhanka ammaanka degmada uu aad u wanaagsan yahay, islamarkaana la’isku haleen karo, sidoo kalena shacabka Jowhar ay aad u jecelyihiin in ay martida soo dhaweeyaan.

“Anaga diyaar ayaan u nahay inaan shirka marti gelinno, amni ahaan waan isku filannahay, dhul ahaanna sidoo kale, Jowharna waa magaalo la wada yaqaanno, dadkeedana wey isku duuban yihiin” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Jowhar

Weli lama shaacin halka lagu qaban doono shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, hase ahaatee waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi.

Goobjoog News