U bood dhigaalka

Maamulka Jowhar Oo Ku Howlan Daminta Xiisad Ka Jirta Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay iney ku howlan yihiin daminta xiisad maalmahan dambe ka jirtay xaafadda Kulmis ee magaaladaasi,  kadib dilal halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Buur Fuule oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay aad ugu xunyihiin Labo qof oo ku dhimatay xaafaddaasi kadib dagaal dhacay.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan in wax walbo lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Shacabka ku dhaqan xaafadda Kulmis ayuu sheegay in looga baahan yahay iney ilaaliyaan nabadda Jowhar, maadaama halkaasi uu ka soconayo shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Waxaan ka xunnahay Labadii qof ee ku dhimatay Xaafadda Kulmis, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo wax walbo oo xiisadda sii hurin kara, hala joojiyo dibadbaxyada iyo rabashada degmada, waad ogtihiin degmada Marti badan baa inoo joogta, waxaan idiin ka codsaneynaa inaad amniga nala dhowrtaan, wixii dhacayna annagaba waan ku howlannahay xalinteed” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degmada Jowhar waxaa maalin kahor ka dhacay Iska horimaad sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana sidoo  kale degmadaasi shalay ka dhacay dibadbaxyo ay dhigeen dad badan oo shacab ah.

Goobjoog News