U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland “Booliiska Waxa ay Sugeen Amniga Kismaayo 100%”

Sheeko:Dalka

DarwiishMaamulka Jubba ayaa sheegey in ciidamada Booliska maamulka ay ku guuleysteen sugista amniga magaalada Kismaayo, waxaana hadalkani munaasabadda 71- guurada booliska ka sheegey wasiirka amniga Jeneral Maxamed Warsame Darwiish.

“Markii hore dadka waxa ay guryahooda ku xaroon jireen 4 saac, maanta qof kasta wuxuu socon karaa xiliga uu doono habeenkii, waxaana guushaasi soo hoyiyey ciidamada geesiyaasha ah ee Booliska” ayuu yiri Darwiish oo hambalyo u direy ciidamada booliska iyo qoysaskooda.

Xus weyn ayaa lagu qabtay maanta magaalada Kismaayo, kaasi oo loogu dabaaldagayo 71 guuradii kasoo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska magaalada Kismaayo Aadan Geelle ayaa dhankiisa ka sheekeeyey waxqabadka ciidamada booliska, wuxuuna sheegey in maanta Kismaayo ay tahay meel amnigeeda la’isku haleyn karo.

Maamulka ayaa darees iyo agab kale oo isgaarsiin u qeybiyey afar qeyb oo ka tirsan ciidamada booliiska, kuwaasi oo kala ah ciidamada Birmadka oo ah kuwa rabshadaha ka hortaga, kuwa taraafikada ee qaabilsan nabadgalyada waddooyinka, kuwa canshuuraha iyo kuwa degmada.

Mid kasta oo ciidamadaasi ka mid ah waxaa la siiyey darees midab gaar ah leh, askari kastana waxaa la siiyey labo joog oo dareeskaasi ah iyo qalab isgaarsiineed, gaar ahaan fooneeyaha gacanta ee ay iskula hadlaan ciidamada.

Dhageyso

Dhageyso

 

Goobjoog News