U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland: Culeys Bay Nagu Tahay Dadka Badan Ee Kasoo Laabanaya Qaxootiga Kenya

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo oo ah xaruntooda KMG ah ka sheegay in culeys ay ku tahay degaannada Jubbooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga wadanka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in sababta ay isugu yeereen warbaahinta ay tahay in ay ka warbixiyaan qaxootiga Soomaalida ah ee laga soo qaadayo qeybo kamid ah dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in ay wanaagsanaan lahayd in laga baaraandego dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya oo maamulka Jubbaland wax la tashi ah aan laga la sameynin.

Tirada guud ee degaannada Jubbaland ka tirsan gaaray ee ka soo laabtay xeryaha waqooyi bari dalka Kenya ayuu sheegay wasiirku inay gaaareyso  Lix iyo Toban Kun Lix Boqol iyo Toban iyo Toddobo (16,617) qof.

“Degmada Kismaayo kaliya waxaa hadda soo galay 15, 800 oo qof 870-na waxaa la geeyay degmada Luuq, degaannada kalena waa lagu soo socdaa, dowladda iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa arrintaas iyada ah inay nagu tahay culeys mana kafaali qaadi karno, sababtoo ah waxay u baahan yihiin raashin, caafimaad iyo nolal” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee Jubbaland.

Wuxuu intaas ku daray in arrimahaan ay ka dhalan karaan amni darro iyo xannuuno ka dillaaca xeryaha la dejiyay dadkaan oo hadda ku kala yaalla degmooyin ka tirsan goballada Jubbaland.

Gebi ahaanba wuxuu meesha ka saaray inuu jiray qorshe loo dejiyay dadkaasi laga soo celinayo xeryaha Kenya, wallow hadda ay dhiman yihiin kumanaan kale oo dhanka Soomaaliya ku soo jeeda.

“Annagoo wax wada tashi ah aan ku lahayn soo celinta qaxootiga Kenya ayaa haddana bixinnay dhulkii ay degi lahaayeen, su’aashu waxa weeye yaa ku ogaanaya, dadkaas maanta meelaha ay deggan yihiin waxay halis u yihiin inay ka dillaacaan cudurro iyo amni darro” ayuu mar kale yiri Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland MR Darwiish ayaa sheegay in dhammaan ay hakiyeen soo gelitaanka xeryaha dadkaasi loo dhisay oo uu tilmaamay in maamullada degmooyinka ay ku wargaliyeen.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in Jubbaland aysan qaadi Karin qoysaskaasi tirada badan isagoo caddeeyay in uusan jirin qorshe mideysan oo qaxootiga xeryaha Kenya ka imaanaya ku aaddan kaas oo ay isku waafaqsan yihiin Dowladda Federaalka, Qaramada Madoobe iyo Jubbaland.

Goobjoog