U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland: Duulaan Baan Ku Nahay Deegaannada Ay Al-shabaab Ku Sugan Yihiin

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhowaan ay ku wajahan yihiin ciidankooda deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee ay joogaan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmo gudahooda ay ku qabsan doonaan degmooyin iyo deegaanno hadda ay maamulaan Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in xilligaan la gaaray waqtigii Jubbaland ay dib ula wareegi lahayd dhammaan deegaannada gacanteeda ka maqan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Duulaan baan ku nahay deegaannada ay Al-shabaab ku sugan yihiin, waxaan tageynaa deegaan walbo oo Jubbooyinka ka mid ah haba ugu horreyso Jubada Hoose, nimankaan cadowga ah waa ay tabar darreeyeen, waxay u baahan yihiin Hal mar oo la wajaho, Todobaad gudahiisa deegaanno badan baan qabsan donnaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay in shacabka ku dhaqan deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab aanay barakicin islamarkaana ay soo dhoweeyaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khamiistii aynu kasoo gudubnay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Goobjoog News