U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Beeniyey In Deegaannadooda Ka Musaafurinayaan Xaasaska Al-shabaab Iyo Carruurtooda

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe soo baxayey oo sheegayey in deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo laga musaafurinayo haweenka ay qabaan rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab iyo caruurtooda.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulkaasi Cabdinuur Cali Aadan oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay in warkaasi aanu sax ahayn, islamarkaana cid aan dambi lahayn aysan iyaga tallaabo ka qaadi doonin.

Wuxuu sheegay in warkaasi ay faafiyeen dad doonaya in maamulka Jubbaland ka fidiyaan dicaayad iyo wax la mid ah, balse wuxuu sheegay in Jubbaland aanay diyaar u ahayn inay ku xadgudubto cid aan dambi lahayn.

“Waxaas ma jiraan, waa hadal sal iyo raad aan lahayn, qofkii og inuu dambiile yahay isagana iska tagey waa gaarkeed, laakiinse annaga wax cad oo aan arrintaasi ku baahinnay ma jirto, haween aan hadda baxa dhahnayna ma jirto” ayuu yiri wasiirka.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland waxay horay u sheegeen sheegeen in deegaannadooda ay ka musaafurinayaan xaasaska Al-shabaab iyo caruurtooda ee ku sugan deegaannada Jubbaland.

Goobjoog News