U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Digniin u Diray Milkiilayaasha Leh Guryaha Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray Milkiilayaasha leh dhammaan guryaha ku yaallo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, taasi oo ah ka feejignaanta dadka laga kireynayo guryahaasi.

Axmed Carab oo ah afhayeenka ciidamada nabad sugidda Jubbaland ayaa mar uu saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo waxa uu sheegay in looga baahan yahay dadka guryaha leh, in aysan guri ka kireyn qof aan la garaneyn.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in laga warqabo cid walba oo guri laga kireynayo, lagana diiwaan geliyo saldhigga magaalada.

Afhayeenka ayaa ku goodiyay in ciddii qof aan la aqoon ama shaqsi ka mid ah Al-shabaab ka kireysa guri, loo aqoonsan doono inay tahay Dambiile, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhawaan ayaa maamulka Jubbaland waxa uu ka masaafuriyay magaalada Kismaayo 60 Haween ah, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen xaasaska rag ka mid ah Al-shabaab.

Goobjoog News