U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Diyaariyey Ciidamo Al-shabaab Kula Dagaallama Gedo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney diyaariyeen ciidamo badan oo gobolka Gedo kula dagaallama dagaalyahannada Al-shabaab.

Wasiirka wasaaradda amniga ee maamulkaasi C/rashiid Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamadan yihiin kuwo u diyaarsan qalabkooda, islamarkaana heegan buuxa la geliyey.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in Al-shabaab ay ka saari doonaan deegaannada ay weli kaga harsan yihiin gobolkaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiir C/rashiid ayaa tilmaamay in ciidamadan ay si gaar ah u tabobaran yihiin, islamarkaana yihiin kuwo loogu talogalay oo kaliya iney Al-shabaab la dagaallamaan.

“Iyadoo la fulinayo ammarkii madaxda dalka ee ahaa in la ciribtiro nabad diidka Al-shabaab ayaan diyaarinney ciidamo badan oo Gedo ku sugan, waxayna xoreyn doonaan deegaannada ay ku sugan yihiin nabad diidka” ayuu yiri wasiirka.

Guud ahaan  gobollada dalka waxaa ka socda diyaar garow ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana ay doonayaan iney Al-shabaab ka saaraan guud ahaan dalka.

Goobjoog News