U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Sheegay In Dib u Dhis Lagu Sameynayo Goobaha Danta Guud

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhawaan la billaabi doono dib u dhiska goobaha danta guud ee Kismaayo si ay u hirgasho nidaamka dowladnimada.

Garoonka magaalada Kismaayo waxaa shalay oo jimco ahayd lagu soo dhaweeyay shacab iyo ciyaartoydii Jubbaland u matalayey ciyaaraha gobollada dalka, waxaana mas’uuliyiin u hadashay Jubbaland ay sheegeen in dayactic xooggan lagu sameynayo garoonka kubadda cagta ee Waamo kaasi oo ka mid ah goobaha danta guud.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa horay u sheegay in Jubbaland ay xoogga saari doonto arrimaha ciyaaraha, islamarkaana la furi doono xarumo lagu tababaro ciyaartoyda Jubbaland, sidoo kalena la dhisayo Garoonka Waamo.

Magaalada Kismaayo hadda waxay xarun KMG ah u tahay maamulka Jubbaland, waxaa maalmihii ugu dambeeyay jiray qorsheyaal la doonayo in lagu dhiso xarumaha danta guud.

Goobjoog News