U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland “Waxaan Billownay Howlgal Ballaaran Oo Ka Dhan Ah Alshabaab”

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Maamulkaas  Degaano  badan ay ka bilaabeen   hawlgal ay ku sheegeen in uu ka dhan yahay Xarakada Al Shabaab.

Waxay sheegeen saraakiisha in ciidanka Jubbaland oo kaashanaya kuwa AMISOM inay ku howlan yihiin sidii loo qaban lahaa degaannada ka maqan gacantooda oo qaarkood ay imina ay gaareen.

Afhayeenka laamanaha Amniga Jubbaland Axmed  Carab ayaa sheegay  in ay jiraan sida uu yiri degaano go’doosan oo ay ku sugan  yihiin Xarakadda Al Shabaab.

“Ciidamadu waxay billaabeen howlgal ballaaran oo looga saarayo Alshabaab degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka, sidaad ka warqabtaan dhowaan ciidamada waxay gaareen degaanka Cabdalla Biroole oo duleedka Kismaayo ah kuwa kalena way tegayaan oo ay ku harsan yihiin nimankaas Alshabaabka ahi” ayuu yiri Axmed Carab.

Waxa uu sheegay Afhayeenka  in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay ka qayb qaadanayaan dadaaladan ammaanka ay ku sugayaan.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer ku celceliyay inay gaari doonaan degaannada ka maqan gacantooda oo inta badan ku yaalla gobolka Jubbada Dhexe sida Bu’aale iyo Saakow oo Alshabaab ay ka talinayaan muddo sanado ah.

Goobjoog News