U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed Oo Sheegay In La Isku Furayo Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Baydhabo

Sheeko:Amniga

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay howlgallo ballaaran ka billaabi doonaan wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Afhayeenka maamulkan Nuuradiin Gacma ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu sheegay in ulajeedka howlgalkaan yahay sidii looga sideyn lahaa Al-shabaab iyo burcad shacabka dhac u geysata.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in lasoo gabagabeeyey wadatashiyadii ku aadanaa qaabka howlgalkaan loo qaadayo, islamarkaana ciidanka DFS, K/galbeed iyo kuwa AMISOM ay maalmo kadib howlgalka ay billaabi doonaan.

“Howlgalkaan wuxuu ku bilaaban doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, ciidamada waa diyaar, wax kale oo la sugayo malahan, nimanka nabad diidka ah ayaa laga sifeyn doonaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale, afhayeenka Gacma ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada wadadan ay marto ciidamada ammaanka gacan weyn ku siiyaan xasilinta wadadan dheer oo muddo badan shacabka lagu dhibaateyn jiray.

Goobjoog News