U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed Oo Sheegay Iney Bilaabeen Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in deegaannada maamulkaasi ay ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, islamarkaana la doonayo in amniga lagu soo celiyo.

Nuuradiin Gacma oo a Afayeenka maamulkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada K/galbeed ay ku guuleysteen iney dilaan xubno ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay soo daayeen shacab u xirnaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Afhayeen Gacma in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa  gaarka ee K/galbeed ay xoojiyeen howlgallada ay ku raadsanayaan Al-shabaab.

“Saddexda gobol ee maamulkeenna howlgal ayaa ka bilowday, waxaan fashilinnay weeraro ay damacsanaayeen nabad diidka, waxaan soo deynay maxaabiis ay xoog ku haysteen si ay lacago uga qaataan, howlgalladana waa ay socdaan” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, afhayeenka ayaa ka dalbaday shacabka K/galbeed in ay kaalin ka qaataan la shaqeynta ciidamada ammaanka iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News