U bood dhigaalka

Maamulka K/galbeed Oo Sheegay In La Billaabay Dhismaha Garoonka Iyo Dekadda Baraawe

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka socotay maamulka K/galbeed ayaa kormeer waxay ku tageen degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay sheegeen in la bilaabay dhismaha garoonka iyo dekadda magaaladaasi.

Xubnaha tagay Baraawe waxaa kamid ah, guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulkaasi.

Waxay xubnahan qiimeyn ku sameeyeen qaabka shaqada ee dhismaha garoonka iyo dekadda, waxaana shaqada ay hadda ku bilaabatay garoonka diyaaradaha Baraawe.

Maxamed Madoobe Nuunow, wasiirka arrimaha gudaha maamulka K/galbeed ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn tahay in la helo meel ay wax kala soo degaan ganacsatada K/galbeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dekadda iyo garoonka ay muhiimad gaar ah u leedahay K/galbeed marka loo eego dhanka dhaqaalaha.

Goobjoog News

Baraawe-3-630x420 Baraawe-2--630x420 Baraawe-1-630x420