U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Baaq u Direy DFS Iyo Hay’adaha Samofalka Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samofalka ah in kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadkii dhowaan ka baracay dagaalladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha dibadda Khaatumo, Caynaanshe C/raxmaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin xiisaddaasi.

Caynaanshe ayaa tilmaamay in dadkii barakacay ay xaalad adag ku sugan yihiin, loona baahan yahay gurmad degdeg ah.

“Annaga wixii aan ka geysan karnay waan ka geysannay, dowladda Federaalka, dhammaan urur goboleedyada ah iyo hay’adaha kheyriga ah waxaan ku bogaadinayaa in dadkaan u gurmadaan, sidoo kale cid walbo oo Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in shacabkaasi la taageero” ayuu yiri wasiir Caynaanshe.

Shacab aad u badan ayaa isaga barakacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo sidoo kale deegaanno kale oo gobolkaasi ah, kadib dagaallo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Goobjoog News