U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo oo ka hadlay dagaal shalay ka dhacay duleedka Laas Caanood

Sheeko:War

khaatumo state

Hogaanka maamulka Khaatumo ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal shalay galinkii dambe deegaano hoos taga magaalada Laas Canood ku dhax maray ciidamada maamulkaasi iyo kuwo Somaliland.

Wasiirka madaxtooyada maamulka Khaatumo   Mukhtaar Ibraahin ayaa ku tilmaamay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Laascanood mid maamulka Somaliland uu ku doonayay sida uu warka u dhigay hakad galinta shirarka looga hadlayo aayaha maamulkaasi. Wasiirka waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay ku soo dhamaadeen guulo uu sheegay in ay gaareen ciidamada maamulkooda.

Ciidamo ka socda maamulka Somaliland ayaa marar badan gudaha u soo galay duleedka dhulka ay ku muransanyihiin labada maamul, taasoo in badan dhalisay dagaal dhex mara ciidamada labada maamul.

Saraakiisha maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeya maamulka Somaliland inuu hor istaag ku sameeyo shir looga tashanayo aayaha deegaanada hoos yimaada Khaatumo State, Ciidamada Somaliland ayaa tiro dhowr jeer ah gudaha u galay degmada Taleex oo xarun u ah maamulka Khaatumo, dibna uga baxay maalmo kadib.

Wararka Goobjoog news