U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Faah Faahiyey Wada Hadallo Ay Jabuuti Kula Yeesheen Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey shir ay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti kula yeesheen maamulka Somaliland, kaasi oo daba socday shirrar ay Labada dhinac horey u yeesheen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo, Maxamuud Sheekh Cumar oo Laascaanood kula hadlay warbaahinta, waxa uu sheegay in shirkaasi uu kusoo dhammaaday is faham iyo ballamo.

Waxa uu tilmaamay in Labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha ku aadan wixii laga fuliyey 11-kii qodob ee horay ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

“Waxaanu ka nimid magaalada Jabuuti oo wada hadal uga socday Khaatumo iyo Somaliland, waxaa kasoo baxay qodobo aad u muhiim ah, waxaa jiri doona kulamo kale iney dhacaan, si fiican iyo jawi wanaagsan ayuu shirkaasi ku bilaabmay kuna dhammaaday, dowladda Jabuuti waan u mahadcelinaynaa, 11-kii qodob ee kasoo baxay shirkii Addis Ababa waxay saldhig u yihiin wada hadalladeena, waxaan isla falanqeennay wixii ka qabsoomay wixii aan horey ugu heshiinnay, farqi weyn ayaana u dhaxeeyay kulankaan Jabuuti ku yeellanay iyo midkii Addis Ababa” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Sheekh Cumar.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa horey u sheegay in Somaliland ay kala hadlayaan oo kaliya aayaha shacabka reer Khaatumo iyo sidoo kale sidii derisnimo loogu wada noolaan lahaa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada