U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo oo ku eedeeyay Somaliland weerar khasaare sababay oo lagu qaaday Saax dheer (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland weerar dad ay ku dhinteen oo lagu qaaday deegaanka Saax dheere ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay ku soo xad gudbeen shacabkii deganaa deegaanka Saax dheer halkaasi oo uu shaaciyay in ay dad rayid ah ku dileen.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay iska caabiyeen ciidamadii Maamulka Khaatumo isaga oo xusay in ciidamada Somaliland ay fariisin ka sameysteen meel aan ka fogeyn deegaanka Saax dheer, dadkii shacabka ahaana ay ku jiraan meel dhexe oo ciidamada labada dhinac u dhaxeysa isaga oo mas’uuliyada khasaarihii gaaray shacabkana ku eedeeyay dhinaca Somaliland.

“ Ciidamada Somaliland waxa ay hoobiyeyaal ku garaaceen magaalada kadib markii ciidankeena ay fariisimo ka sameysteen duleedka Saax dheer.” Ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa kol hore weerar ku qaaday deegaanka Saax dheer xilli lagu waday in lagu caleemo saaro madaxwaynahay cusub ee maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Sheekh Cumar Xasan: