U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Ku Hanjabay Iney La Wareegi Doonaan Deegaannada Gacantooda Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan iney awood kula wareegaan guud ahaan deegaannada uu matalo maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaan Cabdalla Maxamuud Cali, oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay ku haminayaan iney gaaraan deegaanno badan oo maamulkooda ah.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka iney horey uga socon doonaan degmada Buuhoodle oo hadda iyada kaliya ay maamulaan.

“Waxaan tagi doonnaa dhammaan deegaannada Sool iyo Sanaag, waxaan la wareegi doonnaa meel walbo oo gobolkaasi kamid ah, marka si aan u noqonno maamul buuxiya shuruudaha maamulnimo waa inaan si awood ah kula wareegno, Laascaanood haba ugu soo horreysee” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Khaatumo.

Maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeyr waxaa ka dhaxeeya khilaaf baahsan, iyadoo maamulkaasi uu Labo garab u kala jabay.

Goobjoog News