U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Sheegay In Ay Kahor Tagayaan Sanaadiiqda Codeynta Oo Somaliland Geyso Deegaanadooda

Sheeko:Dalka

Maamulka Khatumo ayaa sheegay in ay ka hortagayaan  Sanaadiiq cod bixin ah oo Maamulka Somaliland uu geeyay Degaano hoostaga Maamulkaasi.

Goobaha la sheegay in sanaadiiqdan la geeyay ayaa ka  mid ah Sool iyo Sanaaag halkaas oo marar badan ay iska hor imaad uu ku dhaxmaray  Ciidamo kala taageersan Maamulada Somaliland iyo Khatumo

Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Maxamed Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in  Maamulkooda uusan aqbali doonin  in doorasho Somaliland  ay ku qabato  Degaanada ay iyaga ka taliyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay haystaan ciidamo awood u leh inay Sanaadiiqdaasi burburiyaan, sidoo kalena ay gacanta kusoo dhigaan cid walba oo wadata.

Waxa uu ugu baaqay wasiir Axmed Maxamed, shacabka ku dhaqan gobalada Sool iyo Sanaag in ay kahor tagaan wax walba oo uu sheegay inay wadaan Somaliland iyo dadka taageersan.

Maamulka Khaatumo State ayaa sheega inuu ka taliyo gobalada Sool iyo Sanaag, waxaana marar badan dagaallo ay la galeen maamulka Somaliland.

Goobjoog News