U bood dhigaalka

Maamulka Khaatumo Oo Sheegay In Si Xoog Ah Kusoo Furteen Maxaabiis Kaga Xirneyd Xasbiga Laascaanood

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa sheegay in xabsiga magaalada Laascaanood ay si xoog ah kaga soo furteen maxaabiis halkaasi ku xirneyd, ka dib markii Somaliland ay xukuntay.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cabdalla Maxamed Cali oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Khaatumo ay ku dhaqaaqeen howlgalkaan furashada ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka in dad ku dhow 20 qof ay ka soo furteen xabsiga Laascaanood oo ay maamulaan ciidamo taabacsan Somaliland.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inay xaq u leeyihiin in dadkaasi ay soo furtaan wuxuuna sheegay in howlgalka oo ka dhacay Laascaanood ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Khaatuma oo gacan ka helaya saraakiil Somaliland ah oo gudaha magaaladaasi ku sugan.

Madaxweyne ku xigeenka Khaatuma ayaa tilmaamay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaasi, hase yeeshee wuxuu iska fogeeyay geerida ruux ku dhintay weerarkaasi in ay ciidankooda ka dambeeyeen.

Magaalada laascaanood oo xarun u ah gobalka Sool, waxaa ka arrimiya maamulka Somaliland waxaana maamulidda magaaladaasi uu murankeedu ka dhex taagan yahay Somaliland, Khaatuma iyo Puntland.

Goobjoog News