U bood dhigaalka

Maamulka Kismaayo Oo Amar Dul Dhigay Dadka Ku Ganacsada Hareeraha Wadooyinka Suuq yaraha Magaalada Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

kistaMaamulka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa maanta amart dul dhigay dadka ku ganacsada hareeraha wadooyinka Suuq Yaraha ee Magaaladaasi, waxaana dhanka kale maamulku uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshe ganacsatadaan halkaasi looga rarayo.

Tima Jilac oo ah Gudoomiyaha magaalada Kismaayo oo socdaal kormeer ah ku wehlinayay madaxweyne Ku xigeenka Labaad ee maamulka Jubba Suldaan Cabdiqaadir Luga Dheere ay ku tageen Suuqaasi ayaa waxa uu sheegay in laga shaqeynayo amaanka iyo bilicda guud ee magaaladaasi.

Waxa  uu sheegay gudoomiyaha in dadkaasi loo rari doono Suuqa weyn ee magaalada Kismaayo, maadaama ay u adkysan waayeen ganacsato Dukaamo ku leh Suuqa in hortooda ganacsi kale lagu sameeyo.

Maalinta beri ah wixii ka dambeeya ayuu sheegay Gudoomiyaha magaalada Kismaayo in Qudaarta, Hilibka, iyo Caanaha laga doonan doono dhanka Suuqa weyn ee Kismaayo, waxaana digniin loo diray dadka arintaasi ka madax adeega.

Dhanka kale ganacsatada Khaadka ayaa iyaguna la sheegay in la geyn doono goobo uu maamulka usoo calaameeyay.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulka KMG ee Jubba Suldaan Luga Dheere oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta ay shaqooyin badan qabteen, islamarkaana ganacsatada hareeraha wadooyinka ee Suuq Yaraha Magaalada Kismaayo ay beri wixii ka dambeeya tagi doonaan Suuqa weyn, lana kala saarayo wax walba oo is dhex yaac ah.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa magaalada Kismaayo ka waday mudooyinkii ugu dambeeyay olole balaaran oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo amnigii iyo bilicda guud ee magaaladaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.