U bood dhigaalka

maamulka KMG Jubba oo ka hadlay ciidamo ku biiray Barre Hiiraale

Sheeko:War
Ciidamo ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sgan duleedka Kismaayo
Ciidamo ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sgan duleedka Kismaayo

Saraakiil ka kala tirsan maamulka KMG Jubba iyo Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ciidamo la sheegay in ay ku biireen kuwa ka amar qaata Barre Hiiraale.

Afhayeen u hadlay Barre oo lagu magacaabo Cabdirashiid Cali Gaas ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin sida uu warka u dhigay kuwo ay soo tababareen saraakiisha dowladda Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM.

Waxa uu xusay afhayeenkan in ciidamadan ay ku xareysnaayeen garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda hoose.

Dhanka kale,Maxamed Khayre Dhuxulow oo ka tirsan saraakiisha maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in warkaasi ka soo baxay afhayeenka Barre Hiiraale uu yahay mid sal iyo raad toona lahayn.

Waxa uu intaa warkiisa ku daray in dhankooda aysan ka war hayn ciidamada ka tagay maamulka KMG Jubba oo ku biiray kuwa Barre Hiiraale oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo.

Maamulka KMG Jubba ayaa dagaalo kala kulma maleeshiyaad ka amar qaata Barre Hiiraale oo ka mid ahaa dhinacyadii kula dagaalamay Kismaayo iyo xarakada Al-shabaab.