U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo sheegay in Al-shabaab ay ka saari doonaan Jubbooyinka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka  Kismaayo
Askar ka tirsan maamulka KMG Jubba oo ku sugan duleedka Kismaayo

Maamulka ku-meel gaarka ee Jubba ayaa sheegay in si toos ah uu u bilowday howl gal ay ugu magac dareen Atlantic kaa oo ay sheegeen in xarakada Al-shabaab uga saari doonaan gobolada Jubbooyinka.

Wasiirka war faafinta maamulkaasi Maxamed Ibraahim Baajuun ayaa u sheegay Goobjoog FM in howl galkan ay ku qaban doonaan dhammaan deegaanada gacantooda ka maqan ee hoos yimaada gobolada Jubbooyinka.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in ay heestaan ciidamo badan oo ku filan in ay Al-shabaab kula dagaalamaan goboladaasi.

Ciidamada maamulka KMG Jubba iyo kuwa AMISOM ee ka socda Kenya ayaa shalay la wareegay deegaanka Buulo gaduud kadib iska hor imaad halkaa ku dhex maray iyaga iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana howl gallo ballaaran oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka wada gobolada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe,Galgaduud, Hiiraan, Baay,Bakool iyo Gedo.

Axadii la soo dhaafay ayay ciidamada huwanta si buuxda ula wareegeen magaalada Baraawe oo ahayd saldhiga ugu weyn ee xarakada Al-shabaab.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Ibraahim Baajuun: