U bood dhigaalka

Maamulka KMG Jubba oo soo saaray qodobada looga hadlayo shirka maanta ka furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka kumeelgaarka Jubba ayaa sheeciyay qodobada looga hadlayo shirka la filayo in maanta uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Shirkan oo la sheegay in uu yahay wajigii labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo ee kol hore lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka dib u heshiisiinta ee maamulka KMG Jubba Maxamed Sheekh Jowhar oo la hadlay Goobjoog FM ayaa waxa uu shaaciyay in shirka uu maanta ka furmayo magaalada Kismaayo laguna qabanayo xarunta caymiska ee magaalada halkaasi oo uu sheegay in ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Wasiirkan ayaa sheegay in qodobada shirkan toos loo guda gali doono kuwaasi oo uu ugu horeeyo dib u heshiisiin laga dhex sameeyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee wada dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo si uu u furu shirka.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Sheekh Jowhar: