U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Dib u Furay Dugsigii Sare Ee Magaalada Xududr

Sheeko:Dalka

Munaasabadaan oo lagu daahfurayay iskuulkii Dugsigii sare ee magaalada Xudur,waxa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool,iyadoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS,Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr,ardadii hore ee Dugsiga Xudur oo u diyaarsan in dugsi sare ay ku biiraan waaladiinta ardada iyo Marti sharaf kale.

Dig u furista iskuulkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii Wasaaradda Maaliyada ee XFS ay muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameysay dhismo cusubna ku sameysay xaruunta dugsiga sare ee Xudur.

Ugu horey waxa munaasabada daahfurka ka hadlay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo guddoomiyaha waxabarashada degmada Xuddur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) waxayna xuseen in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay bulshadana waxay ugu baaqeen in ay ka faa’ideystaan.

Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi.

Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool Cabdulqaadir Nuur Cadow ayaa u madahceliyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi Sare dib u shaqeeyo,wuxuuna shahaado sharaf guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tol).

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tol iyo ex-Wasiir Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa bahda waxbarashada iyo bulshada ku bogaadiyay in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska iskuulkaasi Sare ee Xududr.

Dhismaha dugsi sare waa dhismo aad u balaaran qeyb ka mid ah waxa loo qorsheeyey in jaamacad laga furo maadaama degmada Xuddur oo xaruun u ah gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed.

Goobjoog News