U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Bedalaya Mas’uuliyiintii Dowladda Ee Seddaxda Gobal

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay qorsheyaal uu ku bedalayo mas’uuliyiintii horay dowladda Federaalka ugu magacawday deeganada iyo degmooyinka gobalka Shabellaha Hoose.

Wareegto xalay kasoo baxday maamulkaasi ayaa waxaa gudoomiyayaal cusub loogu kala magacaabay degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Sate ayaa ka warbixiyay sababta kaliftay in hadda maamullo cusub looga dhawaaqo degmooyinkaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in arrintani ay qeyb ka tahay qorshayaasha maamulka uu ka leeyahay deegaannada uu ka taliyo islamarkaana mar walba uu isbedal jirayo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maamulka uu dardargelin doono howlaha maamullada heer degmo, si loo helo maamulo isla jaan qaada, waxna uga qabta howlaha la hiigsanayo.

Dhawaan ayaa wareegto kasoo baxday madaxweynaha maamulkaasi waxaa gudoomiyayaal cusub loogu magacaabay gobalka Baay iyo magaalada Baydhaba.

Goobjoog News