U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ka Qeybqaadanaya u Gurmashada Soomaalida Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadasha gurmadka loogu jiro sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, halkaasi oo dagallo ay ka socdaan.

Wasiir ku xigeenka Haweenka ee maamulkaasi Binti Ibraahim Macalin ayaa u sheegtay Goobjoog news in kaalin ay ka qaadan doonaan dib usoo celinta dadkaasi oo ugu badan Haween iyo caruur.

“Anaga maamulkeena mar dhaw ayaa la dhisay, tabar sidaa u badan malahan, laakiinse kaalmada  iyo gurmadka waxa aan uga qeybqaadan donnaa xagga Soomaalinimada, maxaa yeelay annaga hadii aynu nahay Soomaali waan isku gurmannaa” ayeey tiri Binti.

Dhinaca kale Binti Ibraahim ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen la hagraday, islamarkaana caalamka iyo dowladda sidii loogu tala galay aanay u wajahin sidii loo baahnaa waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqday wasiir ku xigeenka haweenka maamulka Koonfur galbeed, in shacabka Soomaaliyeed, dowladda Federaalka, maamulada dalka ka jira, shacabka iyo sidoo kale cid walba oo wax haysata in ay kaalin ka qaataan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Dalka Yemen waxaa ka soconaya dagaal xoogan oo cir iyo dhulba isugu jira, waxaana halkaasi ku dhibban muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in loo gurmado.

Goobjoog News