U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Kasoo Horjeestay Baarlamaanka Cusub Ee Maamulka Jubba

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto ay kaga soo horjeedaan baarlamaanka cusub ee maamulka Jubba, iyo wadadii loomaray dhismaha baarlamaankaasi.

Wasiirka warfaafinta maamulkaasi  Xasan Cabdo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in baarlamaanka Jubba uu yahay mid aanay u dhameyn umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay jireen wadada hadallo u dhaxeeyay maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed, hase ahaatee la baalmaray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Wasiirka in baarlamaanka Jubba ay qeybsadeen Hal qoys waa sida uu hadalka u dhigaye, islamarkaana la qadiyay shacabka wada degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo