U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Kasoo Horjeestay Tirakoobkii Dhawaan Dowladda Soo Saartay

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa looga soo horjeestay tirakoob dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay kaasi oo ku aadan dadka Soomaaliyeed.

Kulanka wasiradaan ay yeesheen ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulkaasi Cabdiqaadir Nadaara, waxaana uu sheegay in wasiirada oo uu shir gudoominayay Maaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan ay sheegeen in marnaba ka maamul ahaan aysan raali ka ahayn sida loo soo saaray tirakoobka dadka Soomaaliyeed.

“Waxay wasiirada ka dalbadeen dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradda Qorsheynta in Qaramada Midoobay in dib loogu laabto tirakoobkaasi, sidoo kalena wasiirada ayaa isku raacay in gobalada maamulka Koonfur Galbeed ka arrimiyo tirada laga soo saaray aanu ahayn midkii saxda ahaa” ayuu yiri Afhayeen Nadaara.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa horay war ay usoo saareen waxa ay kaga soo horjeesteen tirakoobkii dhawaan ay shaacisay dowladda Federaalka, kaasi oo ku aadan inta ay yihiin dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News