U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Kulan Ka Joojiyey Xisbiga UPD

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta joojiyay siminaar uu soo qaban qaabiyay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda UPD.

Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo arrinta wax ka qoray aya yiri “Raali Gelin: Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”.

Lama oga sababta, laakin arrintan ayaa caado ka noqotay meelo badan oo dalka ah, waxaa ay horay uga dhacday caasimadda Muqdisho.

Dastuurka KMG ah, Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka

(1)          Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2)          Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Goobjoog News