U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Ciidamada Tababarka Lagu Siinayo Baydhaba Ay La Dagaallami Doonaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegay in ciidamada haatan tababarka uga socdo magaaladaasi ay qeyb weyn ka qaadan doonaan dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Mid ka mid ah saraakiishaan oo la hadlay saxaafadda isaga oo aan magaciisa sheegin ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaan ay diyaar u yihiin in ay soo celiyaan amniga iyo kala dambeynta gobalada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

“Ciidamadaan lagu tababarayo magaalada Baydhaba waa kuwii la dagaallami lahaa cadowga, waa kuwii loogu talagalay inay nabadda ka qeybqaataan, hadii aanu ciidan jirin dowlad ma jirteen, ciidamadaan waxay taageeri doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee wada howlgallada ka dhanka ah nabad diidka”

Dhinaca kale sarkaalkaan ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed in ay il gaar ah ku hayaan xuquuqda ciidamadaasi.

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa tababar uu uga socdaa 200 oo askari, kana mid ah ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Goobjoog News