U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Sheegay In Si Siman Loo Qeybinayo Raashiin Gargaar Ah Oo Ka Yimid Turkiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Koongur galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Maamulka uu sidii loogu talagalay u qeybinayo deeqdii gargaar ee  ka timid Turkiga islamarkaana kala wareegtay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya,

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ka Koonfur Galbeed ahaan ay si weyn ugu baahnaayeen deeqdani oo shalay xukuumadda federaalku ay ku wareejisay Saddex maamul oo uu maamulkaasi kamid yahay.

Waxa uu sheegay in kaamam barakacayaal oo ku yaalla goballada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool uu gaarsiin doono maamulka Koonfur Galbeed.

“Koonfur Galbeed sida ugu wanaagsan oo loogu talagalay in gargaarka loo bixiyo ayaan u bixin doonnaa, annagoo uga faa’iideynaynaa dadka u baahan gargaarka Bini’aadannimo, runtii Saddex gobal ee Koonfur Galbeed meelo kala duwan waxaa ku nool dad danyar ah oo xilli adag ku jira maanta” sidaas waxaa sheegay wasiirka.

Deeqdani oo dowladda Turkida ay bixisay ayaa loogu talagalay dadka danta yar waxaana sidoo kale lagu wareejiyay deeq lamid ah midda Koonfur Galbeed la siiyay shalay maamullada goballada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.

Goobjoog News