U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed Oo u Digay Askarta Rasaastooda Iibsata

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa digniin u jeediyay ciidamada maamulkaasi ee rasaastooda iibsata, taasi oo amaro adag ay kasoo saareen.

Wasiirka Hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Xasan oo Askar shalay tababar loogu soo xiray Qansaxdheere kula hadlay ayaa sheegay in dhammaan askarta lala xisaabtami doono.

Waxa uu tilmaamay in wareegto kasoo baxday madaxweynaha maamulkaasi lagu sheegay in askariga lagu arko isaga oo rasaas iibinaya tallab adag laga qaadi doono walibana lagula xisaabtami doono taliyahooda.

“Askarigii la arko isaga oo rasaas iska iibinaya tallaab adag ayaan ka qaadeynaa, waxaana la dejiyay sharci askarigaasi u gaar ah, taliyaha waxaa laga doonayaa inuu soo sheego askariga hubka iska iibinaya, walibana uu xiro, hadii uu taas sameyn waayo taliyaha isaga qudhiisa dambiile ayuu noqonayaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiir Xasan Xuseen ayaa ugu baaqay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee shalay tababarka loo soo xiray in ay u istaagaan sidii ay u difaaci lahaayeen dalkooda iyo dadkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sameysanaya ciidamo gaar ah, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gobalada maamulkaasi ka arrimiyo, waxaana horay tababar loo soo xiray askar badan oo Milatari ah.

Goobjoog News