U bood dhigaalka

Maamulka Kooxda Elman Ayaa U Mahad Celiyay Ciyaartooyda Ka Dib Markii Ay Ku Dhameysteen Kalainta Sadexaad Ee Kala Horeynta Horyaalka

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka kooxda Elman Sports Club ayaa kulan mahad celin iyo baraarjin la qaatay ciyaartooyda,ka dib ay xidigahoooda ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League.


Cabdirashiid Cabdulle Maxamed (Joorje) oo ah maamulka kooxda Elman ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda,macallimiinta iyo shaqaalaha naadiga wuuxna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda si ay ugu guulaystan tartamada kale ee soo socda ee gudaha iyo tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ali Xaaji Abuukar oo ah tababaraha kooxda kubbadda cagta Elman kana soo jeeda dalka Ghana ayaa sheegay in uu aaad ugu faraxsahanay wax qabadka muuqda ay soo bandhigeen ciyaartooydiisa wuxuuna kula dardaarmay in aysan is dhigin oo ay halkooda kasii anba qaadan,si ay u tiigsaday kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Elman oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay kaalinta 3-aad ay ku imaadeen isku xir wanaagsan ay muujiyeen taageerayaasha,macalimiinta iyo maamulka sare ee kooxda.


Saddex ciyaartooy oo kasoo jeeda wadanka Ghana iyo tababarahooda ayaa iyagana qeyb ka ah da’daalka ay muujisay naadiga Elman ,Zakariye oo ka mid ah xidigaha ajaanibta ee ku sugan kooxda Elman ayaa door wanaagsan ka ciyaaray qeybta daafaca,Zaki waxa uu aad ugu mahad celiyay taageerayaasha kooxdiisa isagoo sheegay in la’aantooda aysan imaan laheyn kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya 2018-2019.

Maamulka kooxda Elman ayaa is badal ku sameeyay xafiisayada shaqada waxaana kolkii aad booqato aad kusoo jiidaanaya koobabka ay naadiga hanatay sanadihii laga soo gudbay,guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax  Cumar (Garooje) ayaa sheegay in ay qorsheenayaan arimo badan oo horomar ah.

Gabagabdii ciyaartooyda ay lagu duunsiiyay bilado taas ay ku mutaysteen booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League waxaana talaabadan door wacan ka ciyaarayay taageerayaasha naadiga.

Halkan Ka Daawo Ku Saabsan Kulankii U Dhaxeeyay Maamulka Iyo Ciyaartooyda Kooxda Elman

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/355720591768943/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle