U bood dhigaalka

Maamulka Kooxda Elman Oo Dib Habeyn Ku Sameeyay Xafiisyadooda Shaqada

Sheeko:Cayaaraha

 

22-Augut 2018 waxa aheyd waqtigii uu xiliga la wareegay gudoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje oo afarta sano soo socota hogaamindoona maamulka naadiga elman oo ah kooxda ugu goolaha badan dalka ka dib magacaabistii waxaa soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta,ciyaatooydii soo martay kooxdan kuwa iminka u dheela iyo taageerayaasha naadiga jaalayaasha

Tani waa is badalka muuqda oo la yimid gudoomiye Gariooje,isgoo si heer sare u qurxiyay xafiisyada uu ku shaqeyndoono sanadaha soo aadan kolkii aad booqatana waxa aad kuu soo jiidanaya qaabka casriga ee loo diyaariyay taasoo u eg goobaha ay ku shaqeeyaan kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta caalamka

Inkastoo isboortiga uu yahay is dhax gal bulsho iyo luuqad ay isku fahmaan dadyowga kala duwan ee caalamka waxaa halkan ka muuqda xushmada iyo qadarin loo muujiyay madaxda ugu saraysa ciyaaraha waxaa xafiiska lagu xardhay sawiradda gudoomiyaha xiriirka kubbadda dalka Cabdi qani Saciid Carab,gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed iyo gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka Giano Infantino

Koox kasta oo ka dhisan caalamka waxa tiir u ah hanashada koobabka maxliga ee laga dhigo gudaha dalka ay ka dhisan tahay iyo in ay kasoo baxaan xidgo badan oo kaalin mugleh ka qaata waajibaadka xulka qarankooda Elman waxaa kasoo aflaxay xirfadlayaal aad loogu qadariyo kubbadda cagta dalkeena kolkii aad booqato xafiisyada shaqada ee kooxdan waxa ay indhahaagu qabanayaan tan iyo aaskeedii  koobkii ay ku guulasytay taas oo ay si wanaagsan u xafideyn maamuladii kala duwanaa ee soo maray sanadihii laga soo gudbay

Dalka ayaa soo maray maraxalado aad u adag iminka waxaa loo jaheestay dhibihii horomarka kooxaha kubbadda cagta ay samaynaya is badalo si ay la jaanqadaan naadiyada ka dhisan yurub iyagoo ka faa idasanaya aalada tikjoolajiyadda casriga ee waqtigan

Gudoomiye Garooje waxa uu soo ciyaaray da’yarta Horseed 1984 iyo kooxda Madabacda qaranka 1988 intaas ka dib waxa uu kordhiyay heerkiisa aqooneeyd ee xirfada gool haynimo,isagoo xiriika kubbadda cagta dalka Egland ee FA-ga ka qaatay shaahada heerka 3-aaad

Halkaan Ka Daawo Warbxinta Qalabeynta Xafiisyada Shaqada Kooxda Elman

Waxaa Diyaariyay-Maxamed Xuseen Qalinle