U bood dhigaalka

Maamulka Lafoole Oo Sheegay In Ciidan Ka Tirsan Xoogga Dalka Ay Isbaaro Dhigteen Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka degaanka Lafoole ee Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay isbaaro ay sheegeen in ay  dhigteen ciidanka Millateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye xigeenkii arrimaha bulshada degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose Mukhtaar Nuur Geeseey oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in baabuur badan oo isugu jira BL-ka iyo kuwa xamuulka ay ku xaniban yihiin inta u dhaxaysa Xaawa Cabdi iyo Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.

Waxaa uu ugu baaqay wasaaradaha gaashaandhigga iyo tan arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay soo farogeliyaan, islamarkaana taliyaha ciidanka xoogga iyo abaanduulahaba uu ugu baaqayo in ciidanka milateriga ee isbaarada dhigtay Xaawa Cabdi tallaabo laga qaado.

“Waxay dhaheen ciidankaan maamulka ayaan la macaamilnay, marka waa been taas, ciidamadan Milatari waaye, waxay lacag ka qaadayaan gaadiidka, waxaan ugu baaqayaa wasaaradda gaashaandhigga in sida ugu dhaqsiyaha badan isbaaradan lagu qaado” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Dhanka kale, taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolk Shabellaha Hoose weli kama aanay hadal arrinkaan.

Goobjoog News