U bood dhigaalka

Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed “Hangaraarac Hal Lug Uma Dhutiyo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GuurtidaGuddoomiyaha golaha Guurtida Maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol Xassan Shire Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hawlaha Baydhabo ka socda ee lagu dhisayo maamulka sedexda gobol.

Wuxuu sheegey in aysan marnaba ka tanaasuleynin moowqifkooda lixda gobol, isaga oo intaasi ku daray in lixda gobol maadaamaa ay dad badan degenyihiin ay waqti ku filan siinayaan dib u heshiisiinta, jirina meel ay u dagdagayaan.

Wuxuu sheegey in ay wadahadal la galayaan maamulka KMG ah ee Jubba, horeyna ugu baaqeen wadahadalkaasi.

Mar uu ka hadlayay dad maamulkooda ka tirsanaa ee ku biirey maamulka sedexda gobo lee Shariif Xassan Sheekh Aadan ayuu yiri “Hangaraarac hal lug uma dhutiyo”.

 

Dhageyso

Goobjoog News