U bood dhigaalka

Maamulka Madaxweyne Gaas Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Nuuradiin Cabdirashiid Cali oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa dhaliil u jeediyey xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in deegaannada Puntland ay ka jirto abaar baahsan oo sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, islamarkaana maamulka madaxweyne Gaas aanu waxbo ka qaban waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqey xukuumadda Gaas in gabi ahaan ay meesha baneyso si loo helo hoggaan midkan ka duwan oo bulshada wax u qaban kara.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro xukuumadda  waxaan leeyahay arrintan taagan  ma muuqato inay xukuumadda ay wax ka qabaneyso, ma aragno waxqabad fiican oo aan dhihi karno  wax bay qabanayaan oo maanta tilaabadaas cad aataalo ma jirto, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda ilaa heer madaxweyne haddii aysan wax ka qaban karin oo si dedeg ah  xukuumadda waxaan leeyahay meesha dadka ha u baneyso si ay aayahooda uga tashadaan” ayuu yiri xildhibaanka.

Abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta deegaanno ka tirsan Puntland, welina dadku ma aanu helin gurmad ku filan.

Goobjoog News