U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow Oo Beeniyay In Wada Hadal Ay La Fureen Maamulka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Madoobe Nuunow Maxamed
Madoobe Nuunow Maxamed

Maamulka Madoobe Nuunoow ee sheega in ay maamulaan Lix Gobal oo Koonfur Galbeed ah, ayaa been abuur ku sheegay Wada hadal ay la fureen maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugaas Maxamuud oo ah Afhayeenka maamulkaasi ayaa sheegay in maamulkooda aysan wada hadal la gelin Koonfur Galbeed, islamarkaana iyagu wada hadal ay la geli doonaan maamulka Jubba ee Axmed Madoobe Hogaamiyaha u yahay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Afhayeenka in aysan ogeyn meel gudoomiyahooda Baarlamaanka uu wada hadal kula galay Shariif Xasan, iyaguna go’aankooda ay tahay in la helo maamul Lixda gobal Mideeya.

“Anaga Axmed Madoobe ayaan u wacnay si aan wada hadal ula galno, ma ahan in hadda Sedax gadaal naloogu soo celiyo, Wadaadku wax kuma biiree isagaa lagu biiraa, sidaa darteed anaga go’aankeena Lixda gobal waan haysanaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale waxa uu dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Xafiiska UNSOM ku eedeeyay in ay iyagu ka dambeeyaan jahwareer siyaasadeed uu sheegay in laga dhex abuuray dadka wada degan gobalada Lixda ah ee Koonfur Galbeed.

Dhawaan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in wada hadal uu la galayo maamulka Madoobe Nuunoow, rajana uu ka qabo in ay qaataan aragtida Sedaxda gobal.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News