U bood dhigaalka

Maamulka Madoobe Nuunoow oo ku adkaysana mowqifkooda Lixda gobal (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Madoobe Nuunoow ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in marnaba aanay ka tanaasuli doonin aragtidooda ah Lixda gobal, islamarkaana ay yihiin maamulka saxda ah.

Cali Bayow oo maamulkaasi u qaabilsan Arimaha gudaha ayaa isaga oo u waramay Goobjoog Fm waxa uu sheegay in ka maamul aahan aanay doonayn inay dib uga laabtaan aragtida iyo go’aankii ay gaareen.

Mar uu ka hadlaayay shirka ka socda magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa waxa uu sheegay in uu yahay mid lagu doonayo in khilaaf laga dhex abuuro dadka wada dega Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Bayow ayaa sheegay in sirka ka socda magaalada Baydhaba uu yahay mid lagu qiyaamay xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana aanu ahayn mid ahmiyad u leh shacabka Koonfur Galbeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi aynu la yeelanay Cali Bayow.

Goobjoog News