U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Baladweyne Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Soomaalida Ku Diban Dalalka Yemen Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Maamulka Magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u istaagaan u gurmashada walaalahooda ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Madaxa maaliyadda ee maamulkaasi Bashiir Xuseen Dhoore oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga bartay is barbar istaag iyo sidoo kale in ay isku gurmadaan.

Waxa uu tilmaamay in Qaxootiga Soomaaliyeed ay soo mareen taariikho kala duwan, islamarkaana waxa uu sheegay in marnaba qaanuunka caalamiga ah ogoleen in la qasbo Qaxooti.

In lasoo laabto ayuu sheegay in ay u baahan tahay waqti, islamarkaana hadii ay dhacdo in dadka ay u baahdaan in iyaga ay soo laabtaan xitaa caalamka laga doonayo in dadkaasi ay garab qabtaan.

Qaxootiga Kenya ku sugan ayuu sheegay in aan qasab lagu soo celin karin, lana ogoleen in muddo 90 cisho ah loo qabto.

Mar uu madax maaliyadda magaalada Baladweyne uu soo hadal qaaday arinta ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ayuu sheegay in ay yihiin dadka ugu horeeya ee la doonayo in wax loo qabto.

“Dowladda Federaalka mas’uuliyad ayaa ka saaran in dadkaasi ay wax u qabtaan, shacabka Soomaaliyeed sidoo kale taasi ayaa looga baahan yahay, Soomaalida waan is ognaha waa dad wanaagsan, kuwa Yemen iyo Kenya waa in ay u gurmadaan, qarashaad ha’isku daraan” ayuu yiri Bashiir Dhoore

Dalalka Yemen iyo Kenya waxaa ku sugan qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo haatan dhibaato xoogan ay halkaasi ku hayso, mana helin dadkaan gurmad degdeg ah.

Goobjoog News