U bood dhigaalka

Maamulka Mahadaay: Itoobiya Ayaa Xiratey Biyahii Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe oo ka hadlayey biyo yaraanta Wabiga Shabelle ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay Itoobiya oo biyahii ka xiratay Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Itoobiya biyo xireenkii ay ka sameysay dhulka ay Soomaalidu degto ay sabab u noqotey biyo la’aanta Wabiga.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in cid walbo oo dowladda Federaalka ah iyo maamulka gobolka ay arrintan ka warqabto, islamarkaana biyo yaraanta Wabiga uu xaaladda sii adkeynayo.

“Wey iska caddahay biyo yaraanta Wabiga Shabelle waxa sababay, dowladda Itoobiya ayaa biyo xereen ka sameysay Kilika Shanaad marka iyaga ayaa biyahii meesha ku haya, sidaas ayeeynu innaga u dhibtooneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah  iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya in gurmad degdeg ah lala gaaro shacabka ku dhaqan degmadaasi oo saameysay abaarta dalka ka jirta.

Goobjoog News