U bood dhigaalka

Maamulka Mahadaay Oo Ka Digey Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka digey fatahaad uu geysan karo wabiga Shabeelle ee degmadaasi mara.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in roobab ay ka da’een degmada,  islamarkaana wabiga uu keenay biyo badan.

Waxa uu sheegay inay badan tahay cabsida laga qabo fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle maadaama marar hore sidan oo kale uu wabiga u fatahay.

“Wabiga waa laga baqaa inuu fataho, maxaa yeelay biyo badan ayuu hada keenay, waxaana sababta ay tahay roobabkii da’ay, marka waxaa lagama maarmaan ah in  xal la keeno kahor inta aanu wabiga fatahin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale guddoomiya Afrax ayaa tilmaamay in wax gargaar ah oo degmada soo gaaray aysan jirin marka laga reebo dhaqaale aan badnayn oo Isbitaalka dawo loogu iibiyay.

Wabiga ayaa markii ay biyahiisu guraan waxaa timaada abaar iyo biyo la’aaan baahsan, markii uu biyo keenana waa uu fatahaa oo waxa uu saameeyaa dad badan oo ku dhaqan deegaannada wabiga uu maro.

Goobjoog News