U bood dhigaalka

Maamulka Mahaday: Ciidanka Xoogga Dalka Guul Ayeey ka Gaareen Dagaallo Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka hadlay dagaallo ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay la galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhow degmadaasi.

Guddoomiyaha Mahadaay C/laahi Maxamed Xasan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen deegaanno badan oo markii hore Al-shabaab maamuli jireen.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in meelaha hadda lagu dagaallamayo ay yihiin deegaanno howt ah, ciidankuna ay ku daba jiraan dagaalyahanno Al-shabaab ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada xoogga dalka dagaalladii ay la galeen Al-shabaab guullo muhiim ah ayeey ka gaareen, waxay ciidamada gacanta ku dhigeen xarumo badan oo Al-shabaab lahaayeen, waxaana lagu weerarayaa meelaha ay kaga sugan yihiin deegaannada nahoos yimaada, dagaalladuna ma ahan kuwo joogsaday” ayuu yiri guddoomiyaha.

Todobaadkii tagey, ciidanka xoogga dalka ayaa gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaabay dagaallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana saraakiisha ciidankaan hoggaamineysa ku sheegeen dagaalladan iney yihiin kuwii lagu xoreyn lahaa guud ahaan gobolkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Goobjoog News