U bood dhigaalka

Maamulka Marka Oo Eedeeyay K/galbeed

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Marka ayaa ku eedeeyay maamulka K/galbeed iney ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga guud ee magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Marka C/xakariin Xuseen Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in tan iyo markii loo magacaabay maamulkooda dibad jog ka yihiin magaaladaasi.

Sababta ayuu ku sheegay iney tahay kadib markii magaalada Marka uu sheegay in ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya beello mudo halkaasi wada deggan, taasina ay keentay in shaqadii maamulkooda aysan u suurtagelin sidii loo baahnaa.

Mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed ayuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in looga baahnaa iney u xusul duubtaan sidii loo xasilin lahaa magaalada, loona heli lahaa ciidamo amniga suga.

“Maamulka K/galbeed usoo magacaabay degmada ayaan nahaya, degmada Gacan kuma jirto, annaga ma  shaqeynno, inta badan magaalada Al-shabaab ayaa haysta, saldhig Booliis ma jiro, waa degmo aan maamul ka jirin, ciidan Booliis ah lama geyn, hadde waxaas oo dhanna waxaa mas’uul ka ah K/galbeed, waxya ku egyihiin Afgooye  iyo Baydhabo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Magaalada Marka ayaa inta badan waxaa ka dhaca falal amniga ka dhan ah, mana muuqato maamul ka shaqeynaya magaaladaasi.

Goobjoog News