U bood dhigaalka

Maamulka Marka Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Waddo Furis Ah Oo Ay Ciidamada DFS Sameeyeen

Sheeko:Amniga

Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo waddo furis ah oo ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno ku dhow magaaladaasi.

Xasan Macallin Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay si buuxda u fureen wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Waxa uu tilmaamay guddomiyaha in laga saaray dagaalyahannadii Al-shabaab, haatanna si caadi ah loo adeegsan karo.

“Wadada Muqdisho iyo Marka ee xeebta ah hadda waa nabad, nimankii Al-shabaab ahaa waa laga saaray, dhibna kama jiro oo ciidanka xoogga dalka ayaa gacanta ku haya amniga”

Muddo badan Al-shabaab ayaa ku sugnaa qeybo ka mid ah wadada dheer ee isku xira Muqdisho iyo Marka, iyadoo ay jireen mararka qaar dagaallo ka dhaca wadadaasi.

Goobjoog News