U bood dhigaalka

Maamulka Marka Oo Ugu Baaqay In Ay Dib Ugu Soolaabtaan Magaalada Dadkii Ka Barakacay

Sheeko:Amniga

Maamulka Magaalada Marka ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Magaaladaasi in ay dib usoo laabtaan.

Xasan Cumar, guddoomiyaha Marka ayaa sheegay in amniga Magaalada uu yahay mid wanaagsan oo la isku haleyn karo.

Guddoomiye Xasan Cumar ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay gacanta ku hayaan Magaalada Marka ayna kuguda jiraan sugidda amniga.

“Dadka waa ay la qabsan doonaan Magaalada haddaba dadka intooda badan waa ay la qabsadeddn, waxaan rabaa dadka in ay fahmaan in ciidamada ay meesha u tageen in la soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada, waxaan u rajeynaa in amni buuxa Magaalada lagu soo dabaali doono waxaan leeyahay dadkii ka barakay Magaalada Guryahiinna ku soo laabta”.

In ka badan 50 qoys ayaa  ka soo barakacay todobaadkii hore qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Dadkan ayaa waxaa ay soo carareen isku dhacyo xaafadaha qaar ee Marka ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliyada iyo dagaalyahannada Alshabaab.

Goobjoog News