U bood dhigaalka

Maamulka Maxaas Ee Hiiraan Oo Baaq Nabadeed u Diray Beello Diriraya

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa baaq nabadeed u diray beello walaalo ah oo maalmaha dambe isku haya deegaanno hoostaga degmadaasi.

Maxamed Cabdi Cawaale, guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa ka dalbaday waxgaradka deegaannadan iney ka shaqeeyaan nabadda iyo sidii xal waara loo gaari lahaa.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida.

“Waxaan ka dalbanayaa in la damiyo colaadda jirta, nabadda laga wada shaqeeyo, waxgaradkana waa iney u kacaan sidii ay xiisadaha u damin lahaayeen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Inkasta oo aanay jirin weli xal rasmi ah oo laga gaaray colaaddan kasoo cusboonaatay deegaanno hoostaga degmada Maxaas, waxaa hadana jira dedaallo badan oo ay wadaan waxgaradka ku sugan halkaasi.

Goobjoog News